1497 Views

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kulan la leh Hoggaanka Ahlusuna

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kulan la leh Hoggaanka Ahlusuna
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 25, 2019 –Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xilligan kulan la leh xubnaha Hoggaanka Ahlusuna ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb, iyadoo kulanka looga hadlayo xaalada siyaasadeed ee ay gashay Galmudug.

Sida wararku sheegayaan Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulanka la leh Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo ah Hoggaamiyaha Ruuxiga Ahlusuna iyo Sheekh Maxamed Shaakir, waxaana kulanka ku wehliya Ra’iisul Wasaaraha Wasiiradiisa sida Arrimaha Gudaha, Amniga, Boostada iyo Isgaarsiinta iyo Xildhibaano ka soo jeeda deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in la isku soo qaaday sidii dib u heshiisiin loo bilaabi lahaa, lana isku keeni lahaa dadka reer Galmudug, si xaalada loo dejiyo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay wax ka bedeshay qorshaha ay ka damacsaneyd Galmudug oo markii hore loo arkayay inay hal dhinac la macaamileysay, balse ay haatan bilowday isku day dhinacyada Galmudug ula xaajoneyso, si xiisada siyaasadeed ee jirta loo xaliyo.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa inuu safar dhulka ah uu ku tago magaalada Cadaado oo ay ku sugan yihiin Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, wafdi Xildhibaano ka yimid Muqdisho oo uu horkacayo Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare.

Xiisada siyaasadeed ee ka jirta Galmudug ayaa maalmihii la soo dhaafay cirka gashay, kaddib markii Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu ka baxay Dhuusamareeb, kuna dhawaaqay inuu buray heshiiskii Jabuuti ee u dhaxeeyay Galmudug iyo Ahlusuna.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment