1791 Views

Taliyaha ciidamada xoogga oo gaaray Kismaayo

Taliyaha ciidamada xoogga oo gaaray Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 13, 2018 – Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/wali Jaamac Warsame Gorod ayaa goordhow gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Ujeedka uu taliyaha u gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxay tahay sidii uu ugu kuur geli lahaa xaalada ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga dalka ee halkaasi ku sugan iyo waliba sahminta suurta galnimada qorshaha isku dhafka loogu sameynayo Ciidamada Xoogga dalka.

Taliyaha ayaa sidoo kale lagu waddaa in uu booqdo degaanada ku yaalla duleedka Magaalada Kismaayo oo maalmihii lasoo dhaafay ay ku dagaallamaayeen ciidamada xoogga iyo Al-Shabaab.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Taliska qeybta Jubbooyinka iyo Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment