1020 Views

Sawirro:-Kulan Amniga Looga Hadlay Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Sawirro:-Kulan Amniga Looga Hadlay Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 28, 2019–Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay kulan looga hadlay amniga caasimadda oo lagu qabtay taliska qaybta guud ee Booliiska gobalka Banaadir.

Kulanka oo ay kasoo qayb galeen wasiirka amniga gudaha, guddoomiyaha gobalka Banaadir, taliyaasha ciidanka iyo khuburo amni ayaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta iyo ka mira dhalinta qorshaha sugidda amniga dalka gaar ahaan amniga caasimadda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa warbixin iyo talooyin ka dhagaystay khuburada loo xil saaray aruurinta xogaha amni ee ay soo gudbiyaan laamaha amniga, waxa uuna ku ammaanay hay’adaha amniga dadaalka ballaaran ee ay ugu jiraan badbaadina nafta iyo hantida mawaadiniinta Soomaaliyeed.

Hay’adaha amniga ayuu Ra’iisul wasaaruhu kula dardaarmay in ay laba jibaaraan dadaallada ay ugu jiraan xasilinta caasimadda si ummadda Soomaaliyeed ay u helaan nabad buuxda.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment