807 Views

Beesha caalamka oo ka walaacsan isbadaladii siyaasadeed ee dhacay ayaa ku baaqday in loo diyaar garoobo shirka Dhuusamareeb 3.

Beesha caalamka oo ka walaacsan isbadaladii siyaasadeed ee dhacay ayaa ku baaqday in loo diyaar garoobo shirka Dhuusamareeb 3.
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 28-2020-Saaxiibada beesha Caalamka ee taageera Dowladda Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay isbadaladii siyaasadeed dhawaan ka dhacay dalka, oo ay ka mid tahay tii baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay xilka kaga xayuubiyeen Xasan Cali Kheyre iyo Xukumadiisa Madaxweynuhuna u aqbalay sida dhaqsaha leh.

Waxa ay ka digeen in talaabooyinkaasi ay wiiqaan dadaallada lagu gaarayo isafgarad siyaasadeed oo ku saabsan doorashooyinka waqtigaysan, carqaladeeya ajandaha dib-u-habeeynta Soomaaliya, ama abuuritaanka xasillooni darro dib u celin karta guulihii ilaa iyo hadda la gaaray  ee muhiimadaha u lahaa dib u dhiska qaranka.

“Saaxiibadu waxa ay si joogto ah ugu baaqeen wadatashiyo loo dhan yahay si heshiis sal-ballaaran looga gaaro noocyada doorasho ee sannadka 2020ka. Taasi waa sababta ay u soo dhoweeyeen go’aannadii ay madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxda Dowlad Goboleedyadu ku gaareen magaalada Dhuusamareeb 22kii Luulyo, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday si loo gaaro yoolkaas” ayaa lagu yiri bayaanka oo ay aragtay Mustaqbal.

Beesha Caalamka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in madaxda Dowladda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedku ay ixtiraamaan heshiisyadii 22-kii Luulyo lagu gaaray Dhuusamareb iyo waqtiga loo qabtay shirarka ay iskugu  imaanayaan Madaxda Dowladda Federaalka, Dowladaha xubinta ka ah federaalka, hoggaanka baarlamaanka federaalka, xisbiyada siyaasadeed iyo wakiillada bulshada rayidka ah ee Soomaaliya.

Beesha caalamka ayaa ka digtay talaabo kaste oo koox gaar ah isku kali yeelayso arimaha masiiriga ah ee Soomaaliya sida cad bayaanka.

“ Isku-day kasta oo ka yimaada hal dhinac oo ka mid ah saamilleyda oo isku daya in uu keligiis dadka kale ku qasbo noocyo doorasho wuxuu noqon doonaa mid aan sharciyad lahayn lamana dhaqangelin karo haddii uusan helin taageerada lagama maarmaanka ah ee saamilleyda kale. Saaxiibadu waxa ay si dhow ula socon doonaan waxyaabaha dhici doona ee soo socda” ayaa lagu yiri bayaanka.

“In go’aan lagu gaaro u-heelanaanta arrimaha qaran ee hortabinta leh ee lagu heshiiyay iyo in arrimaha lagu xalliyo wadahadal iyo isu-tanaasul waxay muhiim u yihiin sii socoshada taageerada caalamiga ah ee la siiyo Soomaaliya ee heerarka hadda ay tahay”. ayaa ku xusan qoraalka wadajirka ah.

Beesha caalamka ayaa ku boorisay dhamaan dhinacyada in ay magacaabaan  xubnaha guddiga FGS-FMS si ay ugu diyaar garoobaan fududeynta shaqadooda, si loo dhammeeyo ka talabixinta arimaha doorashooyinka dalka ka hor shirka Dhuusamareeb loo balansanyahay bartamaha Augost 2020.

“Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in si dhakhso ah loo soo magacaabo dhammaan xubnaha DFS-DXF uga mid noqonaya Guddiga Farsamada, waxayna diyaar u yihiin inay fududeeyaan hawsha Guddiga, si hawshaas loogu soo dhamaystiro muddada labada toddobaad ah ee lagu heshiiyay, taas oo ka soo billaabanaysa taariikhda shirkii  Dhuusamareeb”.

War-Saxaafadeedka ayaa waxaa si wadajir u soo saaray Austria, Belgium, Canada, Denmark, European Union, Finland, France, Germany, IGAD, Ireland, Italy, Japan, Kenya, Netherlands, Norway, Organisation of Islamic Cooperation (OIC), Qatar, Spain, Switzerland, Sweden, UK , Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

Intii lagu gudajiray kulankoodii ugu horreeyay tan iyo markii xilka laga tuuray ra’iisulwasaaraha, golaha wasiirrada Soomaaliya waxa ay dhalleeceeyeen jawaabta Beesha Caalamka ay ka bixisay codka kalsoonida ee keenay in shaqada laga eryo ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre.

Ku-simaha ra’iisul wasaaraha, Mahdi Maxamed Guuled, waxa uu ku adkeystay in beesha caalamku ay tahay in ay ixtiraamto madax-bannaanida Soomaaliya.

Intii lagu gudajiray kulankoodii ugu horreeyay tan iyo markii xilka laga tuuray ra’iisulwasaaraha, golaha wasiirrada Soomaaliya waxa ay dhalleeceeyeen jawaabta Beesha Caalamka ay ka bixisay codka kalsoonida ee keenay in shaqada laga eryo ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre.

Ku-simaha ra’iisul wasaaraha, Mahdi Maxamed Guuled, waxa uu ku adkeystay in beesha caalamku ay tahay in ay ixtiraamto madax-bannaanida Soomaaliya.

Shirka Golaha Wasiirrada wuxuu sidoo kale iftiimiyey mudnaanta beesha caalanka ee taageerada Soomaaliya laakiin wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in beesha Caalamku ixtiraamaan madax-bannaanida qarankeenna iyo dastuurkeenna iyo sidoo kale Shirka Dibloomaasiyadeed ee UN-ka. Dowladda Faderaalka Soomaaliya waxaa ka go’an  horumarka Soomaaliya.”

Wasiirka Warfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir “Maareye” ayaa sheegay in Beesha Caalamku ay tahay in ay ku dhaqmaan si diblomaasiyadaysan.

“Waxaan soo dhoweyneynaa taageerada bulshada caalamka, laakiin waa inay ilaaliyaan qaranimada dalka iyo go’aannada hay’adaha dastuuriga ah,” ayuu yiri.

Isniintii, Midowga Yurub wuxuu sheegay in xilka qaadista Xasan Cali Khayre ay xadgudub ku tahay dastuurka isla markaana ay carqalad ku tahay kalsoonidooda Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka midowga yurub Joseph Borrel ayaa sheegay in baarlamaanka Soomaaliya uusan wado sharci ah u marin xilka xayuubinta wasiirka 1 aad ee Xukumada Soomaaliya.

“Waxaa wax laga xumaado ah, in wixii ka ka dhacay Golaha Shacabka Sabtidii ayna muujinayaan dib u dhac ku yimid Soomaaliya iyo kalsoonida Midowga Yurub ee horumarka Soomaaliya,” ayuu Borrel ku yiri hadal uu soo saaray.

“Qaabkii loo meel mariyey mooshin kalsooni kala-noqoshada ah ee golaha wasiirrada ma uusan qancin shuruudaha dastuurka inta ugu yar.” Ayuu yiri.

Midowga yurub wuxuu sheegay in ay baarayaan dhacdooyinka iyo cidda masuuliyada iska leh.

Mareykanka ayaa Sabtidii sheegay in ay ka walaacsan yihiin in xukunka laga tuuro R / wasaaraha taasoo sii adkeyn doonta isku dheelitirka siyaasadeed ee hadda ka jirta dalka.

“Safaaradda Mareykanka waxa ay ka qoomameyneysaa ficillada Madaxweynaha iyo Aqalka Hoose ee baarlamaanka si ay meesha uga saaraan kalsoonidii ay ku qabeen Raiisel Wasaare Cali Xasan Khayre iyo dowladiisa, taasoo sii kicisay xiisada siyaasadeed isla markaana wiiqaya hanaankii socday ee wadahadalka iyo gorgortanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladaha xubinaha ka ah Federaalkaiyo daneeyayaasha kale ee muhiimka ah.

Mustaqbal

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post