972 Views

Puntland oo soo saartey digniin ku socota DFS

Puntland oo soo saartey digniin ku socota DFS
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland Cali Xasan Axmed (Sabareey) ayaa sheegay in faragelinta dhinaca Maamulka ah oo ay ku heyso Dowladda Federaalka Puntland ay bilihii u dambeeysay aad isku soo tareysay taasina ay keeni karto in nidaamka dalka kajiro uu ka baxo.

Waxaa uu sheegay in puntland ay dhowr jeer isku dayday inay wada-hadal la gasho dowladda Federaalka si loo dhameeyo mad madowga siyaasadeed,balse taasi ay ku guul dareysatay dowladda Soomaaliya.

“Hadii aan la tixgelin dastuurka dalka dhibaato kale ayaa imaan karta dalka,waxaana ugu baaqayaa madaxda sare ee dalka inay faragelinta ka daayaan Maamulka Puntland ayuu yiri”Wasiirka.

Marka laga soo tago hadalka Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa Wareysi uu bixiyey Madaxweynaha Soomaaliya uu ku sheegay in Madaxweynaha Puntland uu dhowr mar wada-hadallo ugu yeeray balse uu fulin waayay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment