831 Views

Maleeshiyaad hubeysan oo xalay gubay Tuulooyin ku yaal Waqooyiga Beledweyne

Maleeshiyaad hubeysan oo xalay gubay  Tuulooyin ku yaal Waqooyiga  Beledweyne
____________________________________________________________________________

May 17 2021

Wararka ka imaanaya magaalada B/weyne ayaa sheegaya in Maleeshiyaad hubeysan ay  xalay ay gubeen tuulooyin ku yaal Waqooyiga Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in Tuulooyinkaan la gubay ay muddooyinkii dambe ay ka socdeen dagaal beeleedyo. Oo la isku dayay in la dhex dhexaadiyo marar badan.

Sidoo kale Dadka deegaanka ayaa sheegay in tuulooyinka la gubay ay ka mid yihiin tuulada Bacaad Buuko, halkaas oo meel u dhow ay isku hor-fadhiyaan laba maleeshiyo beeleed oo dhawaan ku dagaalamay, kuwaas oo kulamo lagu xalinayo ay ka socdeen Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post