735 Views

Madaxweynaha Falastiiniyiinta oo Daanta Galbeed kula kulmay wasiirka difaaca Israel

Madaxweynaha Falastiiniyiinta oo Daanta Galbeed kula kulmay wasiirka difaaca Israel
____________________________________________________________________________


isniin: August 30, 2021

Madaxweynaha Falastiiniyiinta, Maxmuud Cabbaas, ayaa daanta galbeed ee la haysto wadahadallo kula yeeshay wasiirka gaashaan dhigga Israel , Benn Gantz.

Warar ay baahisay warbaahinta ku hadasha Af-Cibriga ayaa lagu sheegay in kulankaasi uu qaatay laba saacadood iyo badh.

La taliyeyaashiisa ayaa sheegay in Gantz ballanqaaday in Israel qaadayso talaabooyin lagu xoojinayo dhaqaalah Falastiiniyiinta. Wararku waxay intaa ku dareen in ay labada dhinac isla qaateen in ciidamada nabadgelyada Falastiiniyiinta iyo ciidanka Israel iska kaashadaan ilaalinta nabadgeyada.

Dadka siyaasadda odorosa ayaa sheegaya in debacaa Israel ka dhashay cadaadis Maraykanku saaray Israel.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post