714 Views

War Deg Deg: Ciidanka Dowladda iyo dagaalyahanada Al-Shabaab oo goor dhawayd dagaal uga bilaawday gobolka Galgaduud

War Deg Deg: Ciidanka Dowladda iyo dagaalyahanada Al-Shabaab oo goor dhawayd dagaal uga bilaawday gobolka Galgaduud
____________________________________________________________________________

Wararka ka imanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya Ciidanka Dowladda iyo dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku dagaalamay deegaano hoos taga gobolka Galgaduud.

Dagaalkan ayaa goor dhawayd ka bilowday deegaanka Bulacle ee ka tirsan gobolka Galgaduud, waxaana dhacay iska hor imaad uu ka dhashay khasaare naf iyo maalba leh.

Sidoo kale Dadka deegaanka ayaa waxay sheegayaan in wali dhawaqa rasaasta ay labada dhinac isku adeegsanayaan la maqlayo.

Ciidamada Dowladda ee ku sugan Galmudug ayaa bilaabay hawlgallo ay ku beegsanayaan Al-Shabaab kuwaas oo weerar ku qaaday madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo kasoo duulayay garoonka Ugaas Nuur.

Kala soco Bogan Wixii ku soo kordha Dagaalkaas

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post