1017 Views

Labo xildhibaan oo u dhashay dalka Eswatini oo loo xiray eedeymo la xiriira argagixisenimo

Labo xildhibaan oo u dhashay dalka Eswatini oo  loo xiray eedeymo la xiriira argagixisenimo
____________________________________________________________________________

Talaado: july 27 2021

Labo xildhibaan oo u dhashay dalka Eswatini ayaa loo xiray eedeymo la xiriira argagixisenimo, kaddib markii ay ku baaqeen dimuqraadiyad dastuuri ah.

Labada xildhibaan oo kala ah Bacede Mabuza iyo Mthandeni Dube, oo looga shakisanyahay falal argagaxiso, ayaa la filayaa inay ka soo hor muuqdaan maxkamad ku taalla magaalada Mbabane ee caasiamadda dalkaasi, sida ay ku soo warrantay war baahinta News 24, oo laga leeyahay dalka Koonfur Africa.

Waxaa sidookale lagu soo warramayaa in booliska dalkaasi ay xildhibaan sadexaad oo lagu magacaabo Mduduzi Simelane u jareen warqad lagu soo xirayo.

Wandile Dludlu, xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ugu weyn dalkaasi ee Pudemo, ayaa sheegay in mas’uuliyiinta ay in muddo ah doon doonayeen xildhibaanadaasi.

Safaaradda Mareykanka ee dalkaasi Eswatini ayaa cambaareysay xarigaasi.

Bogga wararka ee boqortooyada Swaziland ayaa ku soo warrantay, in ganacsatada Eswatini ay ka digeen in xarriga xildhibaanadaasi ay ka dhalan karaan dibedbaxyo ku burburi kara hanti badan.

Kacdoon shacab ayaa dalkaasi ka bilowday bishii June, kaddib markii ay shacabka ay isugu soo baxeen waddooyinka si ay u dalbadaan xukun dimuqraadi ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post