1551 Views

Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta La Kulmaya Dhiggiisa Jabuuti

Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta La Kulmaya Dhiggiisa Jabuuti
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 20, 2019–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay gaaray dalka Jabuuti ayaa Maanta waxa uu kulan la qaadan doonaa dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle

Arrimaha diiradda lagu saarayo kulanka labada Madaxweyne ayaa waxaa kamid ah xoojinta xiriirka walaaltinimo, xaaladda guud ee gobolka Geeska Afrika iyo iskaashiga amni ee labada dal.

Safarka Madaxweyne Farmaajo uu ku gaaray Jabuuti ayaa waxaa ku wehelinaya Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xasan Maxamed Cali, La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Mudane Cabdisaciid Muuse Cali iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Mudane Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarsho).

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment