837 Views

Diyaaradaha Ciidamada Kenya oo Xalay duqeyn ka fuliyay deegaanka Ceel-Cadde

Diyaaradaha Ciidamada Kenya oo Xalay duqeyn ka fuliyay deegaanka Ceel-Cadde
____________________________________________________________________________

June 3 20212

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyn dhinaca cirka ah oo xalay diyaaradaha dagaalka dalka Kenya ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Gedo.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in Duqeyntan ay qasaare ka soo gaartay dad shacab ah oo isku Qoys ah, waxayna ka dhacday  deegaanka Ceel-Cadde ee gobolkaasi, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in dadka waxyeelada ka soo gaartay ay haayeen isku qoys, islamarkaana kala ah Hooyo iyo shan caruur ah oo ay dhashay.

Sidoo kale  hooyada oo lagu magacaabi jiray, Sahra Aadan Warsame ay geeriyootay, halka ay dhaawacyo soo gaareen shanta caruurta ah, kadib markii ay duqeyntu haleeshay qoyskaasi oo ka mid ahaa dadka deggan deegaanka Ceel-Cadde. about:blank

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post