819 Views

Diyaarad leeyihiin Ciidanka Kenya oo ku burburtay Dhoobley

Diyaarad leeyihiin Ciidanka Kenya oo ku burburtay Dhoobley
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-04-2020-Wararka naga soo gaaray degmada Dhoobley ayaa sheegaya in diyaarad ay leeyihiin Ciidanka Kenya ay ku burburtay Garoonka diyaaraddaha ee degmadaasi oo ay isticmaalaan Ciidanka Kenya ee ku sugan Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in diyaarada oo Sahay u siday Ciidanka ay ku burburtay Garoonka markii ay soo cagadhiga rabtay.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo ahaa duuliyihii diyaaradda ayaa ku geeriyooday, waxaana sidoo kale jira dad ku dhaawacmay.

Ciidanka Kenya wali faahfaahin kama bixin dhacdadaan oo xalay dhacday.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post