603 Views

Guddoomiyihii waaxda 5-aad ee maamulka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir oo goordhaw lagu dilay xaafadda Xoosh ee degmadaas

Guddoomiyihii waaxda 5-aad ee maamulka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir oo  goordhaw lagu dilay xaafadda Xoosh ee degmadaas
____________________________________________________________________________


Axad: January 23, 2022

Axmed Xasan Ganey oo ahaa guddoomiyihii waaxda 5-aad ee maamulka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa goordhaw lagu dilay xaafadda Xoosh ee degmadaas.

Dilka Guddoomiyaha ayaa loo adeegsaday qarax miino oo lagu diyaariyey wada, waxuuna qaraxaas gaarigiisa haleelay salaadii Maqrib kadib.

Xubno ka tirsan maamulka degmada Kaxda ayaa Saxaafada  u xaqiijiyey in guddoomiye Axmed Xasan uu goobta ku geeriyooday, sidoo kalena ay jiraan dad kale oo ku dhaawacmay qaraxaas.

Inta la xaqiijiyey laba askari oo ilaalo u aheyd masuulka la dilay iyo qof shacab ah ayaa ku dhaawacmay qaraxaas, welina wax war ah kama soo saarin hey’adaha ammaanka Soomaaliya ama maamulka degmada Kaxda.

Xaalada ammaan ee magaalada Muqdisho ayaa aad u liidatay mudooyinkaan, waxuuna qaraxaan ku soo aadayaa iyadoo xalay degmada Wadajir lagu dilay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdiraxmaan Macow, isagoo ka soo baxay Masjid uu ku soo dukaday salaadii cishaha.

Office  Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post