1920 Views

Musharax Madaxweyne Dr Xuseen Cabdi Xalane oo dhagax dhigay Garoon diyaaradeed iyo isbitaalka. Degmada Ceelbarde Sawiro

Musharax Madaxweyne Dr Xuseen Cabdi Xalane  oo dhagax dhigay Garoon diyaaradeed iyo isbitaalka. Degmada Ceelbarde Sawiro
____________________________________________________________________________

Jimco:  October 21, 2021

Wararka ka imaanaya Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool  ayaa sheegaya in Musharax Madaxweyne Dr Xuseen Cabdi Xalane  oo dhagax dhigay garoon diyaaradeed iyo isbitaalka. Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool

Wasiirkii hore ee Maaliyada Soomaaliya ahna Musharax Madaxweyne Dr Xuseen Cabdi Xalane ayaa dhawaan dhagax dhigay Garoon diyaaradeed iyo isbitaalka  Degmada ceelbarde ee Gobolka Bakool.

Musharax xalane oo ka mid ah musharixiinta ugu cad cad Xiligaan Doorashada dhacayso Bilaha soo socda ayaa soo Noqday wasiirkii Maaliyada Soomaaliya, waxa uuna ka mid ahaa shaqsiyaadka Musuq maasuqa ama wasiirada Musuqa aan lagu Xaman.

Hussein Halane ayaa soo Noqday laba jeer Wasiirka Maaliyada  Somalia, waxaana xafladii halkaas ka dhacday uu ka sheegay in hadii uu ku soo baxo Doorashada uu wax fiican ku soo kordhin Doono deegaamada Soomaalida oo qaar ka mid ah aan haysan Garoon iyo Xarun caafimaad.

 Sidoo kale  Xalane ayaa aaa wasiirkii soo bilaabay barnaamiska deyn cafinta .waxaa uu kamid yahay midowga Musharaxinta Xiligaan taagan.

 Abdihakim Elmi hassan

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post