843 Views

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo dib ugu laabtay Baydhabo kadib Markii farmaajo uu diiday taladiisa.

Madaxweynaha Koofur Galbeed  oo dib ugu laabtay  Baydhabo kadib Markii farmaajo uu diiday taladiisa.
____________________________________________________________________________


isniin: September 13, 2021

 Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa maanta magaalada Baydhabo dib ugu laabtay.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha masuuliyiin ay ka mid yihiin labada-golle Dowlada ,Maamulka Gobolka Baay,kan Degmada Baydhabo, Cutubyo ka tirsan Ciidanka ilaalada Madaxtooyada iyo qeybaha kala duwan Bulshada Magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Lafta gareen ayaa qeyb ka ahaa madaxdii ku dhex jirtay khilaafka sii xoogestay ee ka dhaxeeyo Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Roole, kadib markii uu kusoo dhammaaday natiijo la,aan islamarkaana labada dhinac uu ku adkeestay mowqifkiisa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post