702 Views

Goobaha codbixinta ee Doorashada Addis Ababa oo dib u dhac ku yimid

Goobaha  codbixinta ee Doorashada  Addis Ababa oo dib u dhac ku yimid
____________________________________________________________________________

 June 21 2021 

Goobaha qaar ee codbixinta ee magaalooyinka Addis Ababa iyo Bahir Dar, ayaa la furey xili aan aheyn waqtigii la cayimay.

Goobaha codbixinta ayey aheyd in la furo 6:00 aroorta hore, laakiin goobaha qaarkood ayey dib ugga dhaceen 30 daqiiqo xiligii lagu wadey in la furo.

Tusaale ahaan, Addis Ababa15 deegaan doorasho, 11 kamid ah goobihii codka laga dhiiban lahaa, iyo 2 goob codbixin oo ku yaalla Bahir Dar, ayaa dib ugga dhacey xiligii la furi lahaa.

Saraakiisha doorashada iyo dhammaan murashaxiinta wakiillo ka socda ayey tahay qasab iney jooggaan goob waliba oo codka laga dhiibanayo, kahor inta aaney bilaaban cod dhiibashada.

Saraakiisha goobaha codbixinta oo ay BBC-da la hadashey, ayaa sheegay in sababta ay codbixintu dib uggu dhacdey ay tahay in madaxda doorashada iyo murashaxiinta wakiilladooda ay kasoo dib dhaceen xaadiritaanka goobaha codbixinta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post