849 Views

Xubno ka socda dowladda & dowlad Goboleedyada oo Shir uga furmay Muqdisho

Xubno ka socda dowladda & dowlad Goboleedyada oo Shir uga furmay Muqdisho
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | December 20, 2020 –
Shirka Agaasimayaasha Guud ee Wasaraadaha Arrimaha Dastuurka heer Federal iyo heer Dowlad Goboleed oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo socon doona muddo saddex maalin ah waxay u jeedadiisu tahay sidii loo sii dhaqaajin lahaa howlihii ka qabsoomay arrimaha farsmada ee dib u eegista dastuurka, iyo sidii loo xaqiijin lahaa kaydinta howlaha mugga iyo baaxadda leh ee laga qabtay dib-u-eegista dastuurka maadaama agaasimayaasha guud ay yhiin laf dhabarka hay’adaha.

Sidoo kale, shirka inta uu socdo waxaa lagu soo bandhigi doonaa nuqulka ugu dambeeya ee dib-u-eegista dastuurka,  halka ay marayaan arrimaha u baahan wada xaajoodyada siyaasadeed, warbixinta ka sii ambaqaadka shaqada laga soo qabtay dastuurka muddo xileedka baarlamaanka 10’aad  iyo u diyaargarowga iyo falanqaynta shirka lagu soo bandhigi doono casharada laga bartay intii ay socotay dib-u-eegista dastuurka.

Shirka waxaa si rasmi ah u furay agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS mudane Maxamed Abuukar Zubayr, waxaana ka qayb galaya agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Dastuurka Dowladaha xubnaha ka ah federaalka iyo lataliyaasha, agaasime waaxeedyada iyo howl wadeenada wasaaraddaha Dastuurka heer federal iyo Heer dowlad goboleed.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post