873 Views

Farmaajo” Siyaasiyiinta Soomaalida waa daneystayaal ee Dhalinyarada hakacaan”

Farmaajo” Siyaasiyiinta Soomaalida waa daneystayaal ee Dhalinyarada hakacaan”
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay munaasabadda 26-ka June ayaa ka hadlay xaalada dalka, taariikhda la soo maray iyo dhaliisha Siyaasiyiinta Somalida uga timaada qaar kamid ah bulshada Soomaaliyeed
Farmaajo ayaa sheegay in ay u timid dhalinyaro midnimo doon ah, kuwaas oo uu sheegay in ay  u sheegeen in siyaasiyiinta Soomalida yihiin kuwo daneystayaal ah, isla markaana aan ka Shaqeyn danta dadka Soomaaliyeed.

“ Dhalinyarada ii timid aad ayay noogu fogaadeen, waxay  dhaheen siyaasiyiinta danaha dadka kama Shaqeeyaan ee danahooda iyo mida guryahooda ayay ka Shaqeeyaan, waxaana idin leeyahay hadalkaas waa dhab ayuu yiri” Farmaajo.
Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu baaqay dhalinyarada inay istaagaan sidii Dhalinyaradii SYL oo kale oo aysan waxba ka sugin siyaasiyiin dano  gaar ah leh mararka qaarna xoog ay isticmaalaan sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Afartii sano ee la soo dhaafay waxaa uu dhowr jeer fagaarayaal eedeyn kala duwna ugu jeediyay Siyaasiyiinta ka aragti duwan sida uu ku maamulayo dalka Soomaliya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post