624 Views

Ciidanka Gor Gor oo argagixiso badan ku laayey Sh/Hoose

Ciidanka Gor Gor oo argagixiso badan ku laayey Sh/Hoose
____________________________________________________________________________


January 10, 2022

 Ciidanka Gor Gor ee xoogga dalka ayaa ayaa in ka badan 25 xubnood oo ka tirsanaa Argagixisada Al-Shabaab ku dilay inta u dhexeysa deegaanada Tawakal iyo Bariire ee gobolka Shabeellada Hoose.

Taliyaha ururka 4-aad Guutada 17-aad ee kumaandooska Gor-gor Dhamme Nageeye oo howlgalkaas hoggaaminayey ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey inay ka war-heleen xubno ka tirsan argagixisada oo isku uruursanayey inta u dhaxeysa labada deegaan, halkaasna ay ku laayeen kooxda.

Sidoo kale waxaa howlgalkaas Al-Shabaab looga dhaawacay in ka badan tirada laga dilay, sida uu noo xaqiijiyey Taliyuhu, haatan waxaa aagii lagu dagaalamay daadsan meydadka xubnihii laga dilay argagixisada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post