804 Views

Silvia Romano oo u doodeysa Muslimiinta Yurub lagu faquuqo.

Silvia Romano oo u doodeysa Muslimiinta Yurub lagu faquuqo.
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 13 2020—Silvia Romano waxa ay dalkeeda Talyaaniga ku sugan tahay 124-Cishe waana maalmaha u dhaxeeya 12-kii May 2020 ilaa maanta 13-ka September 2020, waxa ay haweeneydaan gacanta Al-Shabaab ku jirtay muddo 18-bilood ah, kadib markii laga soo afduubtay Kenya.

Nolol cusub ayay ku qaadaneysaa dalkeeda Hooyo, iyada oo wadata magaca cusub ee Caaisha, maadaama ay qaadatay diinta islaamka, waana haweeney 27-sano jir ah, waxaana loo magacaabay xil cusub oo ah.

Jariirada afka dheer ee La Repubblica ayaa talaabadan ku macneeyay in Silvia ay noqontay danjiraha qaarada Yurub ee la dagaalanka Islaam-naceybka.

Mashruuca ay haweenaydan ka qeyb-qaadaneyso ayaa lagu magacaabaa YES, waxaana laga fulinayaan magaalada ay degan tahay ee Milan.

Ururo kale oo lagu kala magacaabo Fondazione L’Albero della Vita, Le réseau iyo Progetto Aisha ayaa ololahaan kaalin muuqata ka cayaari doona.

Waajibaadkooda ugu weyn ayaa wuxuu yahay in ay soo uruuriyaan macluumaad lagu taageerayo dadka la kulmay dhibaatooyinka faquuqa ku saleysan.

War qoraal ah oo lagu daabacay mid kamid ah ciwaanada Facebook ee ururadaas ayaa lagu sheegay in ay ku faraxsan yihiin la shaqeynta Caa’isha.

“Anagoo ah sideed ruux marka lagu daray Caa’isha waxaan uruurin doonaa kiisaska lasoo wariyo ee Islaam-naceybka iyo tabashooyinka, waxaana taageeri doonaa dhibaneyaasha la kulmay tacadigaas anagoo siin doona garab istaag sharci iyo mid maskaxeed,” ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka.

Silvia Romano, 27-sano jir, ayaa dhankeeda la kulantay cunsuriyad badan markii ay dalkeeda dib ugu laabatay. Mas’uuliyiin ayaa kamid ahaa dadka weerarka dhanka baraha bulshadda ku qaadey, wallow ay ka cudur-daarteen.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post