762 Views

AMISOM oo Agab kala duwan gaarsiisay dad Barakacayaal ah

AMISOM oo Agab kala duwan gaarsiisay dad Barakacayaal ah
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-12-2020–Maamulka Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ayaa agab gargaar ah gaarsiiyay dadka ku barakacay daadadkii dhowaan ku dhuftay degmada Beladweyne ee xarunta dowlad goboleedka Hir-Shabeelle.

Deeqdaan oo ka kooban bustayaal, weelal,maro kaneeco iyo kuwo kale,waxaa ku deeqay Maamulka Amisom ee ku sugan Gobolka Hiiraan,gaar ahaan ciidamada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya ee ka hoos shaqeeya AMISOM.

Qalabkaan mucaawinada ah ayaa qeyb ka ah dadaal la doonayo in lagu yareeyo dhibaatada soo gaartay barakacayaasha lagu khasbay inay guryahooda ugu cararaan daadadka ay sababeen roobab mahiigaan ah oo ku dhuftay Gobolkaasi.

Boqolaa Qoys oo ka barakacay fataahada Wabiga Shabeelle ee Magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan ayaa weli ku sugan degaanka Ceel-jaale, kuwaas oo dhibaatooyin dhanka nolosha ah ay ku heystaan degaankaas.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  _______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post