936 Views

Dagaallo ka socdaa saddex magaalo oo muhiim ah oo ku yaalla Afghanistan

Dagaallo  ka socdaa saddex magaalo oo muhiim ah oo ku yaalla  Afghanistan
____________________________________________________________________________

Sabti: july 31 2021

Dagaallo xooggan ayaa ka socdaa saddex magaalo oo muhiim ah oo ku yaalla dalka Afghanistan halkaas oo ciidamada amniga ay isku dayayaan inay iska difacaan dagaalyahanada kooxda Talibaan.

Talibaan waxay weerar ku qaadeen magaalada Herat ee dhacda galbeedka Afghanistan halkaas oo ay wararka sheegayaan inay jebiyeen ciidamadii difaaca ee dowladda.

Sidoo kale dagaallo u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo dagaalyahanada Talibaan ayaa ka socdaa magaalooyinka dhaca koonfurta ee Lashkar Gah iyo Kandahar.

Diyaarado ayaa duqeeyay cisbitaalka ku yaalla degmada Lashkhar Gah, waxaana halkaas ku dhintay hal qof.

Ilaa hadda ma kala cadda khasaaraha ka dhashay cisbitaalka iyo tirada dadkii ku sugnaa cisbitaalka xilligii uu weerarka dhacayay.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Afghanistan ayaa BBC u sheegay in ka badan 30,000 qof oo degenaa magaalada Kandahar ay guryahooda isaga qaxeen kuwaas oo aanan heysan biyo iyo raashiin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post