936 Views

Odawaa “Dowladda Federaalka waa in doorkeeda noqdaa isu soo dhoweyn oo aanay dadka kala fogeyn…”

Odawaa “Dowladda Federaalka waa in doorkeeda noqdaa isu soo dhoweyn oo aanay dadka kala fogeyn…”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 25, 2019 –Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa sheegay in waqti xasaasi ah uu marayo xaalada ka taagan Galmudug, isagoo ku baaqay in loo turo dadka wada degan.

Xildhibaanka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxaa uu ku soo jeediyay talooyin iyo aragtidiisa ku aadan sida looga gudbi karo marxaladaha haatan taagan.

Waxaa uu ugu baaqay dowladda Federaalka in doorkeeda uu noqdo isu soo dhoweyn iyo isu soo jiidid oo aanay dadka kala fogeyn, lana iska horkeenin.

Sidoo kale waxaa uu soo jeediyay in lala yimaado isu tanaasul, is dhageysi iyo isu garawshiyo.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka Xildhibaanka uu soo saaray:-

Dowlad goboleedka Galmudug waxa uu marayaa waqti xasaasi ah ayna tahay inaan u wada turno.

Si taas loo helo waxaan soo jeedin lahaa:

  1. In dadka deegaankan wadi dagani wadatashi nabadeed oo lagu raadinayo is-fahan siyaasadeed gaaraan.
  2. In dowladda federaalka ahi, ahaado dowrkeedu isu soo dhaweyn iyo isu soo jiidjiid ee uusan ahaayn kala fogeyn iyo iska horkeen.
  3. In doorasho hogaan cusub la wada qabto ayadoo loo wada dhanyahay oo aan magaalooyin ama kooxo gaar ahi wax is bidin.

Hadaba waxaa na hortaal inaan kala dooranno mustaqbal aan wada leenahay iyo mid nin iska celis ah oo saameyntiis fog nagu reeba.

Maanta aan la nimaadno isu tanaasul, is dhagaysi iyo isu garaawshiyo oo aan samayno wax anaga nala qaraar oo ilmaheena u roon waana inaan isu tanaasulnaa.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment