1119 Views

Dr. Baadiyow “ in Jabuuti lagu tilmaamo cadow waa jaahilnimo aan loo dul qaadan Karin..

Dr. Baadiyow “ in Jabuuti lagu tilmaamo cadow waa jaahilnimo aan loo dul qaadan Karin..
____________________________________________________________________________

April 25-2021

Dr. Cabdiraxmaan Cabdullahi Baadiyow oo ka mid ah aqonyahada soomaaliyeed ahaana Gudoomiyihii Dib u heshiisiinta Galmudug ayaa ku tilmaamay hadal shalay ka soo yeeray wasiir Dubbe mid ay ka muuqato garasho la’aan siyaasadeed.

Baadiyo ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga kaga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan xiriirka sii xumaanaya ee dalalka dariska ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Dr. Baadiyow ayaa shaaca ka qaaday in dowladda iyo shacabka Jabuuti ay garab u yihiin Soomaaliya, isla-markaana ay jisaarnimo tahay in xilligan cadow lagu tilmaamo.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in wax laga xumaado ay tahay erayada kasoo yeeray dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasiira Cismaan Abuukar Dubbe.

“In Jabuuti lagu tilmaamo cadow waa jisaarnimo iyo habowsanaan. Rageyni joogay heshiiskii Carta 2000 aad ayaan uga xunnahay erayadaas,” ayuu yiri Dr. Baadiyow.

Siyaasiyagn oo mar isku soo sharraxay xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale tilmaamay in Soomaalidu aysan illaabi doonin abaalkii weynaa ee uu u galay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, isaga xaal-marin siiyey dhammaan walaalaha reer Jabuuti.

“Reer Jabuuti xaal ha qaateen, gaar ahaan M. Ismaciil C. Geelle. Somalidu ma ilaabayaan meesha aad ka keenteen dowlladdooda 20 sano ka ho,” ayuu sii raaciyey.

Sidoo kale qoraalkan uu soo dhigay Bartiisa Facebooka ayaa waxaa jawaabo taageero ah ka muujiyay bulshada soomaaliyeed kuwaas oo ku tilmaamay wax lala yaabo Warkkii Dubbe.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post