927 Views

Dowladda oo la sheegay inay bedeshay Odayaasha saxiixayaasha Galmudug

Dowladda oo la sheegay inay bedeshay Odayaasha saxiixayaasha Galmudug
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December  02- 2019–Waxaa isa-soo taraya qeylo-dhaan xoogleh oo ka imaaneysa qaar kamid ah Beelaha dega deegaannada Galmudug,kaas oo ku saabsan in la bedelay Odayaasha saxda ahaa ee soo xulista baarlamaanka Galmudug.

 

Odayaasha Dhaqanka mid kamid ah beelaha dega Galmudug oo shir ku qabtay Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegeen in la bedelay Ugaaskoodii oo lagu Magacaabo Ugaas C/raxmaan Ugaas Xaaji xuseen laguna bedelay mid kale oo ay wadato dowladda Soomaaliya./

 

Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka ee kasoo jeeda degmada Xeraale ee Gobolka Galgaduud oo Warbaahinta kula hadlayay Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo Guddiga farsamada & dhismaha Galmudug ay bedeleen Ugaaskoodii oo kamid ahaa 135-ta Oday ee saxiixayaasha Galmudug.

 

Waxaa ay sheegeen in doorashada Galmudug ay ku socoto khilaafyadii laga sheegayay Jubbaland oo kale ,isla markaana ay qorshahaas wado Wasaaradda Arrimaha Gudaha soomaaliya, iyaga oo baaq u diray Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre.

 

Si kastaba majirto wax war ah oo ilaa iyo hadda kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda soomaaliya ee ku aadan eedeynta ah inay bedeshay Odayaasha saxda ah ee saxiixayaasha Galmudug.

 

Xafiiska WArarka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment