1068 Views

Mid kamid ah Safaaradaha Somalia ku leedahay Caalamka oo Shaqooyinka hakisey

Mid kamid ah Safaaradaha Somalia ku leedahay Caalamka oo Shaqooyinka hakisey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Isiin     , March 23, 2020 —War ka soo baxay Safaaradda Soomaaliya ku leedahay Dalka Hindiya ayaa sheegaya in la hakiyo adeegyadii ay qaban jirtay safaaraddu laga bilaabo maanta oo ah Isniin Safaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya, kadib amaro ka soo kala baxay dowaladaha Soomaaliya iyo Hindiya, kuwaas oo ku aadan xakameeynta xanuunka inta badan dunida ku baahay ee cornovirus  covid19.

 

Safaradda ayaa sheegtay in ay u hogaansami doonto amarada dowlada aan martida u nahay ee Hindiya, si looga hortago xakamaynta cabuqa islamarkaana ay dadka Soomaaliyeed la wadaagi doono wixii soo kordha muddada ay Safaraddu xiran tahay, iyadoo lataliyaha labaad ee Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Hindiya Saliim Cabdullahi Cilmi oo guddoomiye ka ah guddi si dhaw ula socon doona haddii muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ku timado arrin deg deg ah, kana jawaabi doona cabashooyinkooda, waxa ayna Safaaraddu sheegtay in ay si dhaw ula socon doonto xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed.

 

Dhanka kale Soomaalida ku dhaqan dalka Hindiya iyo kuwa u yimaada Caafimaadka, ganacsiga iyo Waxbarashada ayaa waxa saameeyay xanuunka corno virus oo kiisas badan ka mid ah ay ka jiraan dalka hindiya, guud ma jiraan goobaha Waxbarashada arday aada, ganacsatada joogta hadda dalka kama bixi karaan, sidoo kale dadka Soomaaliyed ee haysta fiisooyinka dal ku galka hindiya hadda ma soo gali karaan dalka, qarkood waxa ay ku xayiran yihiin dalka Kenya oo ah halka dadka ugu badan ay ka qatan Fisaha.

 

Sidoo kale dad degan Magaalooyinka kala duwan waxa ay qaarkood sameeyeen ducooyin iyo Allabari  oo Rabbi kaga baryayaan xanuunkaan saf marka ah in ay ka nabadgalaan, iyadoo dhanka dhaqdhaqaaqa waxa ay kala siman yihiin Shacabka Hindiya, waxayna qaarkood u sheegeen Warbaahinta in ay guryahooda ku nagaan doonaan inta ay ka arkayaan isbedal kale, madaama dalku uu galay xalad dag dag ah.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment