681 Views

Madaxweyne Qoor Qoor “Dalku xilli doorasho ayuu ku jiraa, mana qabo inuu dhici karo wax la yiraahdo mudo kororsi daawo Waraysiga

Madaxweyne Qoor Qoor “Dalku xilli doorasho ayuu ku jiraa, mana qabo inuu dhici karo wax la yiraahdo mudo kororsi daawo Waraysiga
____________________________________________________________________________

April 12-4-2021

Mid ka mid ah Madaxweynayaashii maamul goboleedyada ee ugu dhawaa Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Farmaajo ayaa ka hor yimid mudo kororsi loo sameeyo Villa Somaliya

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa ka dhawaajiyay hyadal lala yaabo taasi oo ah in marnaba uusan taageeri doonin mudo kororsi, xilligaan loo sameeyo hey’adaha dastuuriga ah ee dowladda federaalka Soomaalliya.

Madaxweyne Qoor Qoor oo wareysi siiyey TV-ga Somali Cable, ka hor inta aanu baarlamanka ku dhowaaqin kulanka maanta ee muddo kordhinta, ayaa sheegay in uusan maqlin wax mudo kororsi ah, markii laga reebo wararka xanta ah, isla markaana warar aan xaqiiqo uusan wax weyn ka soo qaadin.

“Dalku xilli doorasho ayuu ku jiraa, mana qabo inuu dhici karo wax la yiraahdo mudo kororsi saxna maaha, dalku doorasho ayuu gelayaa waan ku kalsoonahay, dad ayey eedo ku raaci doonaan si kasta oo wax loo qorxiyo, cid kasta oo taako ku ah doorashada dalka waxaan u rajeynayaa inay ka waantowdo oo dalka iyo dadka loo tanaasulo,” ayuu yiri madaxweyne Qoor Qoor.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hadii uu shaaciyo musharaxnimadiisa madaxweyne Farmaajo uu ula sinaa doono musharaxiinta kale ee kula tartami doonta xilka madaxtinimo.

Hoos ka Daawo

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post