1605 Views

IGAD oo dhexdhexaadineysa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada

IGAD oo dhexdhexaadineysa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Nofeembar 17, 2018 –Urur Goboleedka IGAD ayaa sheegay in ay dhex dhexaadinayaan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ka jira Soomaaliya.

Madaxa amniga iyo nabadda Midowga Afrika Ismacil Sariigu ayaa sheegay in khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada uu dib u dhac ku yahay Soomaaliya.

Mr Ismaaciil, ayaa sheegay in ay meel isugu keenayaan dhinacyada is khilaafsan isaga oo xusan in aan iyaga la isu dhaamin.

Waxaa uu intaas ku daray in marna caawinaad dibadeed si ay u heshiiyaan aysan waxbadan ugu fadhiyin Soomaalida loona baahanyahay in ay dhexdooda is oggolaadaan oo isugu tagaan Miiska Wadahadal.

Khilaafka Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad goboleedyada ayaa taagan muddo ka badan Sanad,waxaana dowlad Goboleedyadu ku doodayaan in dowladda dhexe aysan ka soo bixin heshiisyadii hore.

Dowladda Federaalka ah ayaa iyana dowlad Goboleedyada ku eedeysay in ay faraha kula jira arrimaha dastuuriga ah ee dowladda dhexe ay leedahay sida siyaasadda arrimaha dibadda iyo wixii la hal maala.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment