840 Views

Talyaaniga oo u soo baxay koobka Euro 2020 Xalay Markii uu ka raayay Spain

Talyaaniga oo u soo baxay koobka Euro 2020 Xalay Markii uu ka raayay Spain
____________________________________________________________________________

Arbaco: Luly 7 2021

Xulka Qaranka Kubadda Cagta Talyaaniga ayaa gaaray kama-dambeysta koobka xulalka Qaramada Qaaradda Yurub ee Euro 2020, kaddib markii uu rigooreyaal 4-2 uga badiyay dalka Spain ciyaartii Semi-finals-ka ee ka dhacay garoonka Wembley ee magaalada London.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 0-0, hase yeeshee daqiiqaddii 60-aad ayaa laacibka garabka kooxda Juventus Federico Chiesa uu xulkiisa Talyaniga u dhaliyay gool uu dhismisihiisa soo billaabay goolhaye Gianluigi Donnarumma.

Xulka Spain oo aysan ka muuqan wax niyad-jab ah, heystayna kubadda wakhti ka badan kan Talyaaniga ayaa la yimid gool bar-bar dhac ah daqiiqaddii 80-aad, waxaana u saxiixay weeraryahanka kooxda Juventus Alvaro Morata, isagoo muujiyay in difaaca adag ee xulka Talyaaniga uu yahay mid la jabi karo, waxaana ciyaartu 90-kii daqiiqo ku soo gaba-gabowday 1-1, taas oo khasab ka dhigtay in garsoorihii ciyaarta Felix Brych oo u dhashay Germany uu ciyaarta ku daro 30 daqiiqo oo dheeri ah, hase yeeshe labada xul midkoodna gool lama imaan daqiiqadahaas dheeriga ah.

Markii la aaday rigooryaasha ayaa xulka Talynaaiga wuxuu ku adkaaday 4-2.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post