1407 Views

Dowladda oo ka hadashay Weerarkii lagu qaaday Xarunta Tv-ga Universal

Dowladda oo ka hadashay Weerarkii lagu qaaday Xarunta Tv-ga Universal
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso  30, 2019 –MDowladda Soomaaliya ayaa si weyn Cambaareysay Weerar maanta Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya gaar ahaan Waaxda Canshuuraha ay ku qaadeen Xarunta Tv-ga Universal.

Ciidamadan ayaa bilaabay rasaas ay ku fureen illaada Tv-ga oo banaanka hore ee Xarunta Tv-ga illaalo ka haayay, waxaana taasi ay dhalisay in Ciidanka illaalada dhankooda ay ka jawaabaan rasaastaasi.

Maamulka xarunta Tv-ga iyo Ciidamada Canshuuraha ayaa la sheegay in uu ka dhaxeeyay arimo la xariira Muran Canshuuro.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Somaliya Cabdi Nuur Maxamed Axmed ayaa qoraal uu soo dhigay Boggiisa xiriirka Bulshada, wuxuu si adag ugu cambaareeyay falka lagu weeraray Xaruna Tv-ga.

“Waxaan aad u cambaareynayaa falkii saaka lagu weeraray Xarunta Telefishinka Universal oo ahaa mid fool xun oo lid ku ah xorriyadda hadalka.”

Agaasimaha  Warfaafinta Madaxtooyadda Somaliya ayaa sidoo kale sheegay in kiiska arrintaan hadda ay gacanta ku hayaan Taliska Ciidamada Booliska, uuna rajeynaayo in cadaaladda la horkeeno dadkii ka dambeeyay weerarkaasi.

“Waxaa haatan kiiska gacanta ku haya Taliska Booliiska, annaga oo rajeynayna in caddaalada la horkeeno ciidankii ka tirsanaa ilaalada canshuurta ee saaka dhibaatada geystay.”

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment