939 Views

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadjir Cabdiraxman Cabdishakuur Warsameoo sheegay in ay is fara sarayaan farmaajo.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadjir Cabdiraxman Cabdishakuur Warsameoo sheegay in ay is fara sarayaan farmaajo.
____________________________________________________________________________

April 21-2021

Xili kulan aad u waynaa oo ka dhacay Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho, oo ay iskugu imaadeen Wax garadka siyaasiyiinta iyo Odayaasha Beesha Hawiye, ayaa waxaa ka qeyb galay siyaasiyiin badan.

Siyaasiyiintii ka qeyb gashay waxaa ka mid ahaa Hoggaamiyaha Xisbiga Wadjir Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame oo hadal ka jeediyey shirweynihii Muqdisho lagu soo gabagabeeyey ee beelaha Hawiye.

“Anaga in sharci darro nala ku xukumo, dhibkeeda hadda ayaan iska qabaneynaa, si aan dhibweyn oo soo socda isaga badbaadino, taasina diinteena ayaa qabta,” ayuu yiri Cabdiraxman Cabdishakuur.

Siyaasigaan ayaa tilmaamay seddax qodob oo kala badbaadi kara mucaaradkooda iyo Farmaajo, isagoo sheegay in hadii aysan qodobadaas hir-gelin, aysan huri doonin inay Farmaajo is fara saaraan.

Cabdiraxman oo tirinaayey qodobadaas ayaa yiri, “Anaga iyo Farmaajo waan kala baaqaneynaa hadii ay I maqlaayaan dhinacyada aan la hadlaayo.

about:blank 1- Ganacsatadeena waxaan leeyahay hadii aad canshuurta diidaan, anaga iyo Farmaajo waan kala baaqaneynaa, sababtoo ah shilin uu ku shaqeeyo ma helaayo, ileen aduunkii waa ka goosteen lacagtiiye, nin hoggaamiye kooxeed ah oo Villa Somalia dhex jooga oo adduunkii lacagta ka goostay, halkuu lacagta ka keenaa inuu dadka dhaco maahane?

2- Labada dowlad goboleed ee federaalka nagu metesha, oo yiraahda mudo kororsi ma ogolin, Farmaajo waa nakala badbaadi kartaa.

3- Ra’iisul wasaaraha oo yiraahda shaqadeyda ayaan heystaa, hadii intaas la waayo Farmaajo is huri meyno, sababtoo ah waxa uu rabaa inuu xoog nagu xukumo, taasna waxay u soorta geli weysay dad isaga ka awood badan.

Sidoo kale hadalka Hoggaamiyaha Xisbiga Wadjir Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame ayaa u muuqda mid hanjabaad ah

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post