522 Views

Nancy Pelosi oo mar kale qabsatay warbaahinta dunida kaddib markii ay ku guuleysatay xilka Afhayeenka Aqalka Wakiillada

Nancy Pelosi oo  mar kale qabsatay warbaahinta dunida kaddib markii ay ku guuleysatay xilka Afhayeenka Aqalka Wakiillada
____________________________________________________________________________

Isniin January 4, 2021

Nancy Pelosi ayaa mar kale qabsatay warbaahinta dunida kaddib markii ay ku guuleysatay xilka Afhayeenka Aqalka Wakiillada. Waxay noqoneysaa markii afaraad ee ay xilkan ku guuleysato, waxayna bog cusub u fureysaa xirfaddeeda siyaasadeed ee ay muddada ku dhow 50-ka sano ku soo dhex jirtay iyadoo ka tirsan xisbiga Dimuqraaddiga, hase ahaatee caqabad ayaa hortaagan.

Iyadoo Kamala Harris lagu wado inay noqoto haweeneydii ugu horreysay ee madaxweyne ku xigeen ka noqota Mareykanka, Pelosi ma sii ahaan doonto haweeneyda ugu awoodda badan siyaasadda Mareykanka.

Balse haweeneydan 80-sano jirka ah, ayaa door muhiim ah ka cayaari doonta horumarinta ajandaha madaxweynaha cusub.

Taasi waxay la micno tahay inaysan wax waqti ah u heli doonin inay ku sii dhegganaato niyad jabkii ay kala kulantay doorashadii November – waxaa yaraaday kuraastii uu xisbigeedu ku lahaa aqalka hoose, si dirqi ah ayaana loogu doortay afhayeenka, kaddib markii ay xisbiga ka baxeen dhowr xubnood oo Dimuqraaddiga ka tirsanaa.

Taas beddelkeed, muddo-xileedkeeda soo socda wuxuu ka tarjumi doonaa awoodda ay u yeelato joogteynta midnimada xisbiga iyo inaysan ka degin masraxa siyaasadda.

Waxay ku soo barbartay qoys siyaasadda ku jiray

Xubnaha Xisbiga Jamhuuriga ayaa Ms Pelosi u yaqaanna “Haweeneyda ilbaxa ah ee San Francisco” iyadoo hammi weyn u heysa dowladda isla markaana aragtida hantiwadaagga ka heysata arrimaha bulshada.

Balse waxay ka soo jeeddaa qoys siyaasadeed.

Waa qofka ugu yar toddoba carruur ah oo la dhalatay, iyadoo ku soo barbaartay magaalada xeebta bari ee Baltimore, Maryland, halkaas oo uu abbaheed ka ahaa duqa magaalada.

Kuleej ayay ka gashay magaalada Washington halkaas oo ay kula kulantay kuna guursatay Paul Pelosi oo dhaqaale-yahan ahaa.

Waxay markii hore u wareegeen Manhattan, kaddibna San Francisco, iyadoo Ms Pelosi ay noqotay gurijoogto.

Waxay dhashay shan carruur ah – afar gabdhood iyo wiil – muddo lix sano gudahood ah.

Bilowga wax weyn

Sanadkii 1976 waxay ku lug yeelatay siyaasada, iyadoo kaashaneysa qoyskeeda inay ka caawiyaan Barasaabkii California Jerry Brown inuu ku guuleysto Maryland isagoo madaxweyne u tartamayay.

Waxay kaddib ku soo caan baxday Xisbiga Dimquraaddiga, iyadoo kaddib noqotay madaxa xisbiga, sanadkii 1988 ayayna ku guuleysatay kursiga Aqalka Kongareeska.

Aqalka ayay muddo ku soo dhex jirtay. Sababtoo ah waxay mataleysay qeyb ka mid ah magaalada oo ay ku badnaayeen dadka isku jinsiga ah ee is guursada, iyadoo muhiimadda koowaad ka dhigtay maalgelinta baaritaanka xanuunka Aids-ka.

Sanadkii 2001, waxay u tartantay kaaliyaha xisbiga laga tirada badan yahay ee Aqalka, iyadoo si dirqi ah ugu guuleysatay.

Sanadkii xigay waxay u dallacday hoggaamiyaha xisbiga laga tirada badan yahay ee Aqalka, taas oo micnaheedu yahay inay hoggaamiso xisbiga mucaaradka ah.

Gaaridda meel sare

Waxay ka mid ahayd dadka ugu sarreeya, ee inta badan si aan gabbasho lahayn uga hadli jiray qabsashadii Mareykanka ee Ciraaq sanadkii 2003.

Fekerkan ayaa meesha ka baxay sanadkii 2006 markii Dimuqraaddiyiintu ay la wareegeen Aqalka markii ugu horreysay muddo 12 sano ah.

Xisbigeeda ayaa u doortay Afhayeenka Aqalka, iyadoo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee xilkaas ka qabata Mareykanka.

Afar sano kaddib, Dimuqraaddiyiinta ayaa looga guuleystay aqalka hoose ee Kongareeska.

Iyadoo ay jiraan caqabado ayay Ms Pelosi ka gudubtay guulo badanna ku gaartay, iyadoo sanadkii 2018 mar kale ku guulyesatay afhayeenka aqalka.

Maxay tahay shaqada afhayeenka?

Sida ku xusan dastuurka Mareykanka, Afhayeenka Aqalka wuxuu booska labaad kaga jiraa madaxtinnimada, isagoo keliya ka dambeeya booska madaxweyne ku xigeenka.

Xafiiska afhayeenka ee weyn ee ku yaalla dhismaha Capitol, wuxuu astaan u yahay shaqada ballaaran ee u taalla.

Xisbiga kuraasta ugu badan ku leh Aqalka ayaa maamula hannaanka sharciga ah.

Afhayeenka iyo ku xigeennadeeda iyo madaxda guddiyada ayaa go’aansada shuruucda la doonayo in loo codeeyo. Waxay dejiyaan ajandaha iyagoo go’aan ka gaara.

Haddii uu afhayeenka isku hayo midnimada xisbigiisa, guul weyn ayay ka gaarayaan hannaanka sharciga ee Aqalka.

Laga soo bilaabao 2009 ilaa 2011, aqalka Pelosi wuxuu u codeeyay gargaar dhan $840bn oo loogu talogalay ka soo kabashada dhaqaale burburkii sanadkii 2008.

Waxy sidoo kale gacan weyn ka geysatay Sharciga Daryeelka la awoodi karo, kaas oo noqday dagaalkii astaanta u ahaa madaxtinnimada Barack Obama.

Waqtigii ugu muhiimsanaa Pelosi

Xaalado kala duwan ayay wajahday markii ay ku soo laabatay kursiga afhayeenka aqalka sanadkii 2018.

Waxaa markaas indhaha ku hayay xubnaha Jamhuuriga, oo aan ku qanacsaneyn ficilladeeda.

Intii uu socday ololihii 2018, musharraxii Jamhuuriga ayaa hal dood 21 jeer ku soo qaaday Nancy Pelosi iyo “ajandaheeda hantiwadaagga”.

Tallaabadaas ayaa lagu daba geddiyay isaga iyo xisbigiisa, iyadoo ay Dimuqraaddiyiintu guul taariikhi ah ka soo hoyeen Aqalka.

Balse markan waxaa caqabad ku ahaa Madaxweyne President Donald Trump iyo Hoggaamiyaha xisbiga aqlabiyadda ee Aqalka Senate-ka Mitch McConnell. Sidaas darteed, sharci walba oo xisbigeeda uu geeyo Aqalka meel fog ma gaareynin.

Xilligeedii ugu muhiimsanaa wuxuu ahaa sacbintii Pelosi, intii ay socotay khudbaddii Trump ee Xaaladda Midowga, bil kaddib markii ay xilka qabatay. Arrintan ayaa ilaa haatan caan ka ah dalkaas.

Waxaa taas ka darneyd in isla habeenkaas, ay cambaareyn adag telefishinnada hortooda ugu soo jeedisay khudbaddii Trump. Waxaa lagu eedeeyay xushmad darro, balse markii dambe way is difaacday iyadoo sheegtay in erayadiisa ay ahaayeen kuwo aan runta ka tarjumeynin.

Ka daba qaadashadii Trump

Pelosi markii hore way ka cago jiideysay inay hoggaanka u qabato xil ka qaadistii saddexaad ee lagu sameeyo madaxweyne Mareykanka ah.

Balse markii sanadkii 2019 ay soo shaac baxday heshiisyadii uu Trump la galay Ukraine waxay sheegtay inay tahay ku tumasho awoodda ah oo aan la iska indho tiri karin.

Waxaa lagu eedeeyay inuu Ukraine cadaadis ku saaray in warbixin dhaawici karta uu ka soo saaro Joe Biden, iyo in gargaarkii milatariga uu u adeegsaday aargoosi, balse waxaa markii dambe dembi ku waayay Aqalka Senate-ka ee uu maamulo Jamhuuriga.

Qaar ka mid ah xisbigeeda oo si shaac ah ugu baaqayay in xilka laga qaado sanadkii 2018 waxay aad ula dhaceen sida ay u daba dhigatay Madaxweyne Trump.

Waxay soo hoysay guulo waaweyn oo ay ka gaartay Trump, sida maalgelinta derbiga xadka iyo kala diridda dowladda.

Guul dirqi ah

Dimuqraaddiyiinta ayaa aad uga rajo qabay sanadkii tegay inay kordhaan kuraasta ay ku leeyihiin Aqalka. Balse waxay lumiyeen kuraas badan.

Caqabaddan ayaa mar walba xaaladda ku adkeyn doonta Pelosi iyadoo si joogto ah ugu dagaallameysa qancinta xisbigeeda garabka bidix.

Weriyaha BBC-da Anthony Zurcher ayaa sheegay in muddo-xileedkan soo socda uu noqon doono caqabaddii ugu weyneyd ee abid soo marta intii ay siyaasadda ku dhex jirtay.

“Waa inay joogteysaa midnimada xisbigeeda, haddii ay dooneyso in maamulka Joe Biden ay ka caawiso inuu guuleysto.”

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post