948 Views

Masjidka wayn ee barakaysan ee Makah oo si buuxdo loo furay

Masjidka wayn ee barakaysan ee Makah oo si buuxdo loo furay
____________________________________________________________________________


Axad: October 17, 2021

Masjidka wayn ee barakaysan ee Makah Al-mukaramah ee waddanka Sucuudi Carabiya ayaa markii ugu horraysay si buuxdo loo furay tan iyo markii uu bilowday cudurka Covid-19, kaddib markii la khafiifiyay xayiradihii lagu xakamaynayay cudurkaasi.

Waxaa meesha laga saaray astaamihii lagu dhajiyay dhul dhaca hoose ee masjidka ee dadka ku cibaadaysanaya ka caawin jiray inay kala fogaadaan, haatanna waxaa dadka loo ogolyahay in sidii caadiga aheyd ay garbaha isku qabtaan.

Hasayeeshee waxaa qasab ah in dhammaan dadka masjidka galaya ay tallaal buuxa qaateen ayna marnaba iska furin af xirka ama Facemask-ka.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post