1188 Views

Senetor Maxamed Yusuf Xaaji oo Nairobi lagu aasay

Senetor Maxamed Yusuf Xaaji oo Nairobi lagu aasay
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | February 15 2021–
Allaha u naxariistee waxaa maanta gelinkii dambe magaalada Nairobi lagu aasay Senator Maxamed Yuusuf Xaaji, wasiirkii hore ee Gaashaandhigga dalka Kenya.

Maxamed Yuusuf Xaaji oo xalay ku geeriyooday isbitaal ku yaal Nairobi ayaa muddadii uu xilka wasiirka gaashaandhigga hayay waxaa ciidammada Kenya loo daadgureeyay gudaha dalka Soomaaliya si ay ula dagaallamaan ururka Al-Shabaab.

Inta uusan dhiman ka horna waxa uu hormuud ka ahaa qorshe la doonayay in dastuurka Kenya wax looga badelo, kaas oo ku yimid is afgarad ay saddex sanadood ka hor gaareen madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga.

Marxuumka ayaa lagu aasay qubuuraha Muslimiinta ee Langata.


xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post