414 Views

Mo Faarax hooyadii oo ka hadashay dareenkeeda kadib markay is heleen wiilkeeda

Mo Faarax hooyadii oo ka hadashay dareenkeeda kadib markay is heleen wiilkeeda
____________________________________________________________________________

Khamiis: July 14, 2022

Hooyada dhashay orodyahanka Mo Faarax ayaa sheegtay inay muddo ka dib ogaatay in wiilkeeda uu ku noolaa Ingiriiska oo uu tahriib ku tagay.

Waxay sheegtay inay u hilowday wiilkeeda maadama aysan xilliggaas waxbo kala socon xaaladdiisa.

Sir Mo Faarax ayaa ka sheekeeyay xilliggii uu wacay hooyadii ka dib sannado badan oo ay kala maqnaayeen.

 “Labo is dhashay ma kala hadho xabbaal mooyaane, kolba halka ay joogaan un bey iska warqaadaan, waan ogaaday in uu ku nool yahay dalka Ingiriiska” ayay tiri Hooyo Caasho oo u warrameysay BBC-da.

Hooyo Caasho waxay sidoo kale sheegtay in muddo toban sano ay ku raad joogtay xaaladda uu ku nool yahay wiilkeeda balse markii lagala soo hadal siiyay teleefoon ay si weyn ugu faraxday.

Waxay intaa ku dartay in farxad darteed ay ku sigatay inay jebiso teleefoonka si ay malaha uga dhex aragto wiilkeeda Mo Faarax.

“Muddo toban sano ah ama ka badan wax war ah kama heyn, markii aan maqlay, teleefoonkii aan hayay in aan jebiyo ayaa doonayay oo aan dhaxgalo ayaa doonayay farxad darteed”

“Farxaddii ayaan ku iloobay kolkii aan helay uu ila hadlay uuna iska iloobay oo aan fududaayay” ayay tiri hooyo Caasha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post