414 Views

Ruushka oo loogu baaqay joojinta dagaalka uu ka wado Ukriane

Ruushka oo loogu baaqay joojinta dagaalka uu ka wado Ukriane
____________________________________________________________________________


khamiis: March 17, 2022

Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ICJ ayaa ugu baaqday Ruushka inuu si degdeg ah u joojiyo dhammaan howlgallada militari ee ka socda Ukraine, haddii ay yihiin ciidamada Ruushka ama kooxaha ka amar qaata.

“Ruushka waa in uu si deg deg ah u joojiyo howlgallada milateri ee uu 24-kii February ka bilaabay dhulka Ukraine,” ayay tiri guddoomiyaha maxkamadda Joan Donoghue.

Tan waxaa loo arkaa qiyaas ku meel gaar ah, ilaa xukunka kama dambaysta ah laga soo saaro kiiska, kaas oo qaadan kara sanado.

Arbacadii, maxkamadda sare ee Qaramada Midoobay ayaa muujisay “walaaca qoto dheer” ee ku aaddan adeegsiga awoodda Moscow ee dagaalka Ukraine

Office Nairobi Kenya



_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post