510 Views

Ruushka oo xanibaada ka qaadaya magaalooyin ka tirsan Ukraine.

Ruushka oo xanibaada ka qaadaya magaalooyin ka tirsan Ukraine.
____________________________________________________________________________

Isniin: March 7, 2022

Dawlada Rushka ayaa sheegtay inay wadooyinka u furayso  magaalooyinka go’doonsan ee dalka Ukraine.

Wasaaradda gaashaandhiga Rushka ayaa sheegtay in ciidamadooda jooga dalka Ukraine ay furayaan wadooyinka magaalooyinka ay ku hareeraysanyihiin oo ay ku jirto magaalada caasimada ah ee Kyiv si dadka u helaan gar gaar ama ay uga baxaan goobaha dagaalka.

Waddooyinka ayaa sidoo kale loo furi doono magaalooyinka Kharkiv, Mariupol iyo Sumy oo wadankaas ku yaala.

Wararku waxay sheegayaan in go’aankaan uu yimid kadib codsi ka yimid m/weynaha Faransiiska Emaanuwal Makron oo uu ku dalbaday in muddo kooban wadooyinka loo furo dadka ku go’doonsan magaalooyinka qaar ee Ukraine.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post