789 Views

Midowga Musharixiinta oo ka digay in aan la dhaqan-gelin heshiiska lagu gaaray Baydhabo

Midowga Musharixiinta oo ka digay in aan la dhaqan-gelin heshiiska lagu gaaray Baydhabo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 17 2021–Madaxweynihii hore ee Galmudug kana mid ah Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay heshiiskii guddiyada ka kala socda dowladda, dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay ku gaareen baydhabo, kaas oo la xiriira Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Guuleed oo u hadlayay Midowga Musharixiinta ayaa waxaa uu marka hore  sheegay in maalmihii la soo dhaafay dalka uu kusoo kordhay faafintaanka Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus,isla markaana dowladda looga baahan yahay in aysan siyaasadeed oo marmarsiiyo uga dhigan in dib loo dhigo doorashooyinka dalka.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in xilligan ay aheyd in  howlaha doorashooyinka ay socdaan ama uu jiro heshiis laga gaaray, balse ay nasiib darro tahay in uusan jirin heshiis doorasho oo la iska ogol yahay, weline Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u si sharci darro ah ku joogo Villa Soomaaliya.

Dhinaca kale Cabdikariin Xuseen Guuleed waxaa uu ka hadlay heshiiskii ay Baydhabo ku gaareen Guddiyada ka kala socda dowladda, dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, waxaana uu sheegay in hadii sida ay maqleen uu yahay ay soo dhaweeynayaan heshiiska Midowga Musharixiinta.

Waxaa uu sheegay in ay jireen heshiisyo dhowr ah oo la xiriira doorashooyinka dalka oo horay loo gaaray sida heshiiskii 17-kii September, waxaana uu ka digay in an la dhaqan gelin heshiiska is-afgarad ah oo ay Guddiyada ku gaareen Baydhabo.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Cabdikariin Xuseen Guuleed in heshiiska Baydhabo lagu gaaray uu keenay dibadbaxa ay Midowga musharixiinta ku dhawaaqeen Maalinta Jimcaha ah ee tododbaadkaan, waxana uu Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada inay dhaqan geliyaan heshiiskaas.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post