735 Views

Iskuulada Kenya oo Maanta dib loo furay

Iskuulada Kenya oo Maanta dib loo furay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 04, 2021–Waxaa maanta oo Isniin ah dib loo furay dhamaan iskuullada waddanka Kenya kaddib bilooyin ay xirnaayeen.

Malaayiin arday ah oo ay waxbarashadooda hakat gashay in tii lagu gudo jiray xayiraadaha lagu xakamaynayay cudurka safmarka ah ee covid-19, ayaa dib ugu laabanaya fasalladoodii.

Qaar ka mid ah ardayda ayaa waxbarashada ku sii watay qaab online ah, taas oo ardayda oo dhan aanay wada heli karin.

Waaldiiinta dalka Kenya ayaa waxaa ay walaac ka muujinayeen Xernaanshaha Iskuulada, iyaga oo sheegayay in qaab online ah uusan Ardayga wax ku baran karin, hayeeshee ay doonayaan in dib loo furo.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post