1776 Views

Howlgallo ka socda Jowhar

Howlgallo ka socda Jowhar
____________________________________________________________________________

Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa aroortii hore ee saakay waxay howlgal qorsheysan ka sameeyeen Xaafadda Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar.

Sida ay xaqiijiyeen  howlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ku socday waxay ciidamada Booliska si gaar ah kaga sameeyeen deegaanada ku xeeran goobihii Maalmo ka hor dagaalka uu ka dhacay, Waxaana lagu soo qabtay rag la tuhmayo in ay ka tirsan yihiin maleeshiyadii macawisleyda oo magaalada ku dhuumaaleysanayay.

Howlgalka ayaa waxaa Hoggaaminayay taliyaha Ciidamada Booliska maamulka Hirshabeelle Xasan Dhicisow.

Magaalada Jowhar ayaa dhawaan waxaa ka dhacay dagaal khasaare geystay oo u dhaxeeyay ciidamada maamulka Hirshabeelle iyo Maleeshiyaad degaanka ah oo kasoo horjeedda maamulka  qof ay xireen.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post