870 Views

Waqtiga Baarlamaanka la horgeynayo heshiiskii doorashada oo la shaaciyay

Waqtiga Baarlamaanka la horgeynayo heshiiskii doorashada oo la shaaciyay
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 23 2020
—Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen oo Baydhabo dib ugu laabtay, kadib maalmo uu ku sugnaa Muqdisho ayaa ka hadlay heshiiskii doorashada oo ay Muqdisho ku gaareen iyo waqtiga Baarlamaanka la horgeyn doono.

Laftagareen waxaa uu sheegay in Maalinta Sabtida ah ee soo socota Baarlaamanka labada Aqal oo kulan wadajir ah yeelanaya la horgeyn doono heshiiskii doorashada oo ay wada gaareen, Madaxweyne Farmaajo, Madaxda Dowlad goboleedyada & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in labada Aqal ee Baarlamaanka ay meel mariyaan heshiiska si looga gudbo wax walba oo shaki gelin kara in uu dhaqan galo heshiiska.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Madaxda Dowlad goboleedyada waxaa ay kulamo gooni gooni ah la yeelanayeen Xildhibaannada Federaalka ku matala, iyaga oo ka codsaday inay ansixiyaan heshiiska doorashada si aan dadka Soomaaliya waqtiga looga lumin.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post