843 Views

Joe Biden oo difaacay go’aankiisa uu ciidamada ugala baxayo Afghanistan

Joe Biden oo  difaacay go’aankiisa uu ciidamada  ugala baxayo Afghanistan
____________________________________________________________________________

Jimco: July 9, 2021

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa difaacay go’aankiisa uu ciidamada milatariga ugala baxayo Afghanistan, isagoo sheegay in howlgalada Mareykanka ay dhamaan doonaan 31 Ogoosto.

Biden ayaa ayaa sidoo kale difaacay sida xowliga ah ee u socdo bixitaanka ciidamada Mareykanka, isagoo sheegay in ciidamadu badbaadiyeen nafaf badan.

Hadalka Mr Biden ayaa imaanaya iyadoo kooxda mintidka ah ee Taliban ay sii wadaan inay gacanta ku dhigaan qaybo badan oo dalkaas ka mid ah.

Ciidamada Mraykanka ayaa Afghanistan ka dagaallamayey ku dhawaad 20 sannadood, ka dib weerarkii argagixiso ee 11 September ee sannadkii 2001-di

Horraantii sannadkaan, ayaa Mr Biden waxaa wuxuu 11-ka September ee 2021 u qorsheeyey in ciidamada Maraykanku ay ka soo baxaan Afghanistan.

Donald Trump ayaa heshiis kula galay Taliban in ciidmada Mraykanka uu dalkaas ka saaro wixii loo gaaro May 2021 waxaan muddadaas dib u dhigay Mr Biden kadib markii uu xafiiska la wareegay bishii Janaayo.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay in ka bixitaanka xoogagga Maraykanka ee Afghanistan uu yahay mid qorshaysan isla markaana hawlgalka militarigooda ay soo afjarayaan 13-ka agoosto.

Hase ahaatee wuxuu sheegay in Maraykanku aanu cidlayn doonin Afghanistan asagoo intaas ku daray in uu gacan ka gaysan doono dadaallada loogu jiro in la gaaro heshiis nabadeed.

“Waxaan doonayaa in aan sii joogtaynno joogitaanka diblumaasiyadeed ee Afghanistan waxaanna si dhow ula shaqaynaynaa saaxiibadeenna caalamka si aan u sii wadno sugidda amniga ee garoonka caalamiga innagoo xoojin doonna diblumaasiyadda si aan u raadinno nabad iyo heshiis nabadeed oo soo afjari doona rabshadahan macno la’aanta ah.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in Maraykanka uu ku guulaystay danihii militari ee ciidamadaasi ay halkaa u galeen kaddib weerarkii 2001-dii oo aysan halkaa iska sii joogi doonin.

“Sida aan iri bishii April, Maraykanku wuu ka gaaray dantii uu kalahaa Afghanistan – si aan u helno argagixisadii nasoo weerartay 9/11 oo caddaalada u hor keenno Osama bin Laden iyo in aan yaraynno khatarta argagixisada si Afghanistan aysan u noqon saldhiga laga soo weeraro Maraykanka.”

“Waan ku guulaysannay dhammaan ujeedooyinkaas- waana sababta aan halkaa u tagnay. Afghanistan uma aanan tagin dowlad dhisid. Waana xuquuq iyo masuuliyad saaran dadka reer Afghanistan oo kaliya in ay go’aan ka gaaraan mustaqbalkooda iyo sidii ay u maamulan lahaayeen dalkooda.”

Wuxuu sidoo kale ku gacan sayray warka sheegaya in Taliban ay la wareegtay dhul ballaaran asagoo sheegay in cududda Taliban ay qiyaastii tahay 75,000 oo dagaalyahan oo aanay u dhigmin 300,000 oo ah ciidamada ammaanka Afghanistan.

Xataa haddii gebi ahaanba ciidamada laga saaro dalkaas, waxaa la filayaa in Maraykanku uu Afghanistan ku reebo 650 ilaa 1000 askari is ay u waardiyeeyaan safaaradda Maraykanka, gegida diyaaradaha ee Kabul, iyo hay;adaha kale ee dowladda ee Muhiimka ah.

Codbixinnadii ugu dambeeyay waxay muujiyeen taageerada ballaaran ee Mareykanka ee ka bixitaanka Afghanistan, iyadoo codbixiyayaasha Jamhuuriga ay aad uga walaacsan yihiin go’aankaasi.

Mr Biden wuxuu kaloo sheegay in dadaal lagu bixinayo sidii turjubaananda iyo dadkii kale ee reer Afghanistan ee la soo shaqeeyay dowladda Mareykanka looga soo saari lahaa waddanka.

Wuxuu sheegay in 2,500 fiisooyinka muhaajiriinta qaaska ah la siiyay si loogu oggolaado inay yimaadaan Mareykanka, laakiin kala bar ayuun baa ilaa hadda yimid

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post