1956 Views

Wafdi ka socda dowladda & saraakiil Maraykan ah oo gaaray Baydhabo

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 25, 2018 –  Wafdi ka socda Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Saraakiil Maraykan ah ayaa Maanta gaaray Magaalada Baydhaba ee xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Wafdigaan ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhaba kusoo dhoweeyay Saraakiil ka titsan qaybta 60-aad ee xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uu hor kacayay abaanduulaha qaybta,  Ismaaciil Khalliif Shire.

Xubnahan ka socda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Maraykanka ayaa kulan la qaatay saraakiisha qaybta 60-aad, iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa howl-gallada lagu sugayo ammaanka Dalka iyo sidii loo furi lahaa Waddooyinka qaar oo ku xirmay rabshado ay halkaa ka geystaan Kooxda Al-Shabaab.

Abaanduulaha qaybta 60-aad Ismaaciil Khalliif  Shire, oo kulanka ka dib la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay wafdigani ka wada hadleen sidii ay  u ogaan lahaayeen qaab dagaaleedka qaybta iyo waxa uu Ciidanku u baahn yahay, si loogu gudbiyo madaxda iyaga ka sarreysa, iyagoo booqasho tan la mid ahna ugu tegi doono Ciidamada Degmada Buur Xakaba oo isugu jira SNA iyo K/Galbeed.

“Qaybta ayay ugu socdaan qaab dagaaleedkeeda iyo waxa aan u baahannahay qayb ahaan, si ay ugu gudbiyaan madaxda iyaga ka sarreeysay, waxaa u dhinnaa Buur xakabo, ciidamadaasna waxay isugu jiraan  SNA iyo K/galbeed” ayuu yiri Abaanduule Ismaaciil Khalliif.

Abaanduulaha ayaa intaa ku daray inay Ciidamada wada jira ku howlan yihiin diyaargaroow dagaal, iyagoo ku wajahan Tuulooyin ka tirsan Gobolka Baay oo ay nabad diidku ku dhibaateeyaan Shacabka, si anay u dhicin hakad ku yimmaadda isu socodkii Dad weynaha.

Waa markii Labaad ee ay Magaalada Baydhabo tagaan wufuuddan ka socota wasaaradda Gaashaandhigga  Soomaaliya iyo Dowladda Maraykanka, iyadoo uu qorshuhuna yahay soo Afjaridda kooxda Al-shabaab iyo tayaynta Ciidamada Soomaaliyeed ee halkaa ka how-gala.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment