2205 Views

Hanti dhawraha “Isla xisaabtanka wuxuu gaarayaa xafiisyada M/weynaha iyo R/Wasaaraha

Hanti dhawraha “Isla xisaabtanka wuxuu gaarayaa xafiisyada M/weynaha iyo R/Wasaaraha
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 20, 2018 –  Guddiga Maaliyadda ee golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la kulmay Hanti dhowraha guud ee Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye).

Kulanka ayaa ka dhacay xafiiska ay guddiga maaliyadda ku leeyihiin xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, Hanti dhowraha guud ee Qaranka ayaa guddiga maaliyadda ee golaha shacabka la wadagay warbixin ku saabsan shaqada xafiiskiisa.

Hanti dhowraha ayaa sidoo kale guddiga uga warbixiyay howlaha la xisaabtanka iyo ka hortagga musuq maasuqa ee uu ku sameynayo hay’addaha dowladda.

“Xafiiskeyga hawlo muhiim ah ayuu wadaa, sida aad la socotaan waxa hada xeran oo baaris ay ku socotaa masuuliyiin ka tirsan hay’addaha dowladda oo arrimo musu maasuq lagu soo eedeeyay, kuwa kalena waan ku daba jirnaa”. Ayuu yiri Hanti dhowraha Qaranka.

“Sidoo kale waxaan idiin balan qaaadaya in isla xisaabtanka aan wado inan gaarsiinayo xafiisyada sare ee dowladda sida xafiiska Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, hada waxa socdo baaris kale oo aan ku wadno hay’addo ka tirsan dowladda”. Ayuu yiri Hanti dhowraha Qaranka.

Hanti dhowraha Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa guddiga maaliyadda ka codsaday iney kala shaqeeyaan meel marinta sharciga Hanti dhowrka oo golaha wasiirada ay ansixiyeen.

Guddoomiye ku xigeenka guddiga maaliyadda ee golaha shacabka Mudane Maxamed Aadan Macalin oo kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee uu wado Hanti dhowraha, sidoo kale waxa ay ka codsadeen inuu sii laba jibaaro howlaha la xisaabtanka.

“Aad baa u bogaadinaya hawsha wanaagsan ee ka socota xafiiska Hanti dhowraha, guddiga maaliyadda waxa uu balan qaadaya inuu la shaqeynayo hanta dhowraha si loo ciribtiro musuq maasuqa, sidoo kale sharciga Hanti dhowraha waan ka shaqeyneynaa wixii talooyin ah waan ku biirineynaa”. Ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka guddiga.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online Muqdisho

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment