660 Views

Xubno kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo doorashadooda la qabanayo

Xubno kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo doorashadooda la qabanayo
____________________________________________________________________________

Guddiga Maamulaya doorashada xildhibaannada Gobolada Waqooyinee Soomaaliland ayaa ku dhawaaqay inay qabanayaan doorashada 9 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.
Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in la qaban doono doorashada kuraasta Sumadoodu tahay Hop214, Hop218, Hop226, Hop233, Hop208, Hop210 Hop272, Hop202, Hop225, kuwaas hadda ay ku fadhiyaan Xildhibaano Afartii sanno ee la soo dhaafay kamid ahaa Golaha Shacabka.

Ugu dambeynGuddiga Maamulaya doorashada xildhibaannada Gobolada Waqooyinee Soomaaliland ayaa faray Odayaasha Dhaqanka Beelaha leh kuraastabin Beri ay kusoo xaadiraan xarunta Guddiga si loo siiyo tababar una soo xulaan Ergada wax dooraneysa.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post