747 Views

Xaaladihii ugu dambeeyey ee doorashada khilaafka hareeyay ee guddoonka Golaha Shacabka

Xaaladihii ugu dambeeyey ee doorashada khilaafka hareeyay ee guddoonka Golaha Shacabka
____________________________________________________________________________


Arbaco: April 27, 2022

Gudoomiyaha kumeelgaarka ah ee Golaha Shacabka ee Soomaaliya ayaa ciidammada ammaanka ka codsaday inay xildhibaannada u sahlaan inay gaaraan teendhada lagu wado inay ka dhacdo doorashada guddoonka golahaasi.

Danjire C/salaan Xaaji Axmed Dhabancad ayaa sheegay in xildhibaanno aan badnayn ay illaa hadda halkaas soo gaareen, waxaana uu xildhibaannada ka codsaday inay hoolka yimaadaan.

Dhanka kale gudoomiyaha guddiga qabanqaabada doorashada guddoonka Golasha Shacabka ayaa isna ku adkaystay in qorshihii doorashada maanta uusan waxba iska badelin.

Halkan ka dhageyso xaaladihii ugu dambeeyay ee teendhada lagu wado inay ka dhacdo doorashada guddoonka Golaha Shacabka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post