1755 Views

Madaxweynaha Dalka Oo la kulmaya dhigiisa dalka Uganda

Madaxweynaha Dalka  Oo la kulmaya dhigiisa dalka Uganda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 24, 2018 –Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gabagabeeyay booqashadii ay ku joogeen dalka Turkiga iyagoo u ambabaxay dalka Uganda.

Madaxweynaha ayaa la qorsheyanayaa in maanta uu kulan la yeesho madaxweynaha Uganda Yuweri Musseveni oo uu kula kulmi doono Magaalada Kampala ee xarunta u ah dalkaasi waxaana ay ka wada hadli doonaan sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labbada dal.

Dalka Uganda ayaa ah dalka ciidamada ugu badan ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ay ka socdaan waxaana labbada madaxweyne ay sidoo kale diirada saari doonaan sidii Uganda ay Soomaaliya garab buuxa ugu siin lahyed la dagaalanka Shabaab.

Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa dhawanahaan booqashooyin ku kala tagay dalalka Taliyaaniga iyo Turkiga iyadoo booqashadiisa la filaayo in uu kusoo gabagabeeyo dalka Kenya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment