1788 Views

Taliyihii hore ciidanka birmadka Mudug ee Puntland oo la diley

Taliyihii hore ciidanka birmadka Mudug ee Puntland oo la diley
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 2018 – Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa xalay lagu diley C/rashiid Xasan Xaashi (Gabi gabi)oo kamid ahaa saraakiishii hore ee gobolka Mudug ee Maamulka Puntland.

Kooxo ku hubeysnaa bustoolado ayaa Xaafada israac ee magaalada Gaalkacyo  ku dilay taliyaha xili uu kasoo baxay masjidka Dulqarneyn ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo uu Salaadii cishaha ku dukaday.

Taliyaha ayaa horay u soo noqday Taliyaha Ciidanka Birmadka gobolka mudug ee Booliska Puntland,balse xilligaan waxa uu ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada,waxana la sheegay in raggii ka dambeeyey dilkaas ay goobta ka baxsadeen.

Dilka ka dib ayaa waxaa goobta gaarey Ciidamo ka tirsan Booliska Puntland,kuwaas oo goobta ka soo qaaday meydka taliyaha.

Wararkii u dambeeyey ee Maanta naga soo gaaraya Xaafada Israac ee Waqooyiga Magalada Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaan in howlgallo baaritaano ah ay ka wadaan ciidamo ka tirsan puntlnad,iyaga oo baadi goobaya dadkii ka dambeeyey dilkaas.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment