648 Views

Cali guudlaawe oo Shir gudoomiyay Shir looga hadlayay Amniga degaanada Hi-shabelle

Cali guudlaawe oo Shir gudoomiyay Shir looga hadlayay Amniga degaanada Hi-shabelle
____________________________________________________________________________

Isniin: January 17, 2022

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka Amniga Dowladda Hirshabeelle.

Shirka oo ay ka qeybgaleen Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, Taliyaha Guutada 3aad qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, iyo saraakiisha qeybta, Taliyaha Madaxtooyada, Taliyaha Nabada Sugida Hirshabeelle, saraakiil ka socotay taliska booliiska Hirshabeelle, saraakiisha qeybta guud ee Gobolka, iyo Agaasinka Madaxtooyada ayaa looga hadlay dardargalinta amniga guud ee Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa ayaa faray saraakiisha hay’addaha Amniga inay xoojiyaan oo ay laba laabaan amniga deegaanada Hirshabeelle gaar ahaan Magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne oo ay ka dhacayaan dhowaan doorashooyinka xildhibaanada golaha shacabka.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post