822 Views

Maxay ka wada hadleen RW Rooble & Madaxweyanaha Galmudug?

Maxay ka wada hadleen RW Rooble & Madaxweyanaha Galmudug?
____________________________________________________________________________

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.
Kulanka ayaa labada dbinac waxaa ay diiradda ku saareen dardargelinta iyo dhammeystirka la dagaalanka Ururka Al-Shabaab.

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa ugaahad celiyay dadaalkiisa ku aadan dhameystirka Arrimaha doorashooyinka, isaga oo balan qaaday in Galmudug ay deg deg ku dhameytiri doonto Xubnaha uga harsan doorashada Golaha Shacabka.
Galmudug ayaa waxaa ay kamid tahay Maamulada kajira dalka ee wada qabashada doorashada Golaha Shacabka, waxaana xusid mudsn in kulanka uu qeyb ka ahaa Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Alcadaala oo sanadkaan kamid ah musharrixiinta Golaha Shacabka

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post